Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku baaqay in laga heshiiyo mabaadii’da ku saleysan Dastuurka

Muqdisho= Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in madasha lagu soo bandhigo waxkasta oo lagama maar maan u ah horumarka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa yiri “”Waxaa lagama maarmaan ah in laga heshiiyo mabaadii’da Dastuurka sida 1-Nuuca Federaalka iyo awoodaha hey’adaha Federaalka 2-Qubbaro in loo helo 3-Miisaniyad Soomaaliyeed u gaar ah Dastuurka sameynta iyo 4-Waqtiyeynta dhameystirka  Dastuurka in la shaaciyo”