Afghanistan iyo Taliban ayaa dib u bilaabaya wadahadaladii awood qaybsiga

Wakiilo ka kala socda dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ayaa dib u billaabaya wadahadalladoodi ku saabsasaana awood qaybsiga.

Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu beri oo talaada ah ka dhaco dalka Qatar oo hore u mati geliyay dhowr shir oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Wadahadaladaan ayaa bilaawday bishii Sebtember ka dib markii kooxda Taalibaan iyo Maraykan ay ku heshiiyeen in la saaro ciidmada Marayakanka ee jooga dalka Afghaanistaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Afghanistaan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii looga mira dhalin lahaa wadahadaladaan muddada soo jiitamaayay.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wax kasta ay ka hormarin doonaan danta shacabka Afghaanistaan.

Dugsi hoose/dhexe oo laga hirgaliyay deegaanka Afweyn ee dagmada Samareeb

Wasiir Kuxigeenka waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Qaliif ayaa maanta si rasmi ah u furay Dugsi Hoose/Dhexe oo laga hirgaliyay Deegaanka Afweyn ee Gobolka Galgaduud.

Xaruntaan waxbarasho oo ay hirgalisay mu’asasada Baxru-nuur ayaa noqonaysa  mid fursad Waxbarasho u abuuraysa dadka ku nool qaybo ka mid ah miyiga fog ee Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabada furitaanka Goobtaan waxbarasho waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan baxru-nuur, guddoomiyaha caasimadda iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Qaxooti ay Soomaali ka mid tahay oo ku dhibaataysan xadka Bosnia iyo Croatia.

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku nool yihiin Muhaajiriin ku jirta xerada qaxootiga Lipa eek u taal xadka dalalka Bosnia iyo Croatia oo ka mid ah dalalka Qaarada Yurub.

Dadka halkaasi ku dhibaataysan oo tiradooda gaareyso ilaa 3,000 oo qof ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay qaar kamid ah dalalka Afrika.

Qaxootigaan ayaa waxaa dab uu qabsaday Xeradii ay ku noolaayeen,taas oo keentay in xaalad nolol xumo ay soo wajahdo, isla markaana ay waayaan meel ay seexdaan.

Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladaha Midowga Yurub in ay deg deg wax ugu qabtaan xaaladda daran ee haysata dadkaasi xilli uu jiro qabow aad u daran.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021 iyo Istaaratijyada Qaran ee 2021.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorhseynta Maal-gashiga iyo Horumarina dhaqaalaha XfS, oo maanta guddoominaayey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, ayaa waxaa lagu gorfayeey qorshe howleedka Wasaaradda iyo kan hay’adaha dowadda ee sannadkii hore 2020, waxyaabahii qabsoomay, kuwa aan hir-gelin iyo weliba sidoo kale Istaraajiyada 2021ka ee Wasaaradda.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, howlaha horutabinta leh in la xoojiyo u bahaan sida wada shaqeynta hay’adaha dowladda, xariirka wada shaqeynta in la adkeeyo, hirgalinta Siyaasada shaqaalaha ee ku cad waajibaadka shaqo ee qaranka u igmaday, soo bandhigida waxyaaaha u qabsoomay Wasaaradda afarta sano.

Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan( Cabdul) ayaa ku booriyay madaxda iyo shaqaalaha in ay dar-dar-gelin xoog ah geliyaan hawlaha shaqada ah ee Wasaaradda gaar ahaan dib-u-habeynta qaab dhismeedka howlaha baaxada leh ee muhiimada u leh dalkeenna, waxaana uu kula dar-daarmay in sannadkan kor loo qaado siddii loo xaqiijin lahaa gaarista Yoolalka sannadka 2021-ka ee ay hiigsanayso Wasaaraddu kuwaas oo ay ku jiraan hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka, xaqiijinta mashaariicda kala duwan iyo ka rumeynta hiigsiga fog wadanka leeyahay.

Wasaaradda amniga XFS oo mamnuucday hubka lala galo gudaha Garoonka Aadan cadde

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga ayaa arrintan u sababeysay kor u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka Garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha Garoonka.

Iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayay Wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka waxay ku wargelisay Hay’adaha ay ku socoto warqaddani iyo kuwa ogeysiiska  ku leh intaba, inaan lala geli karin wax hub ah gudaha Garoonka Aadan Cadde si loo dhowro amniga Garoonka, waxaana kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta kale, ayaa la faray in ay ciidamada la socda iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate, Mariina Gate, iyo irdaha kale ee waa weyn

Ra’isal wasaarre Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhow gaaray Xerada Bali-doogle

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray xerada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’uiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Bali-doogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Kumaandooska DANAB oo Howlgal Qorsheysan fuliyay

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka  sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka  Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka  DANAB ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyaan degano iyo degmooyin ka tirsan GobolLada dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab,iyadoona Howgaladaasi lagu qaarajiyo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Olole nadaafadeed oo laga sameeyay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir

Maamulka degmada Howl-wadaag oo kaashanaya waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee gobolka Banaadir ayaa xalay olole nadaafadeed ka sameeyay waddada soddonka.

Waddada ayaa laga qaaday carro iyo qashin fara badan oo billicda waddada iyo caafimaadka dadweynaha hareerahaas degan khatar ku ahaa.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Howl-wadaag iyo waaxda Gaadiidka Dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay in howlaha dib u soo celinta bilicda iyo kor u qaadista nadaafadda deegaanka socon doonaan ilaa laga gaaro ujeedka laga leeyahay.

  

Ra’iisul wasaaraha JFS oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada shaqaalaha dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee argagixisadu maanta qaraxa la beegsadeen

Ra’isulwasaaraha ayaa wareystay dhaawacyada oo uu mid kasta ku booqday sariirtiisa wuxuuna ilaah uga baryay caafimaad.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ay ka go,antahay horumarinta dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali & Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.

   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo caddeeyay in qoondada haweenku tahay geed ka go’an

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen metelaad siyaasadeed,  isagoo cod dheer ku sheegay in qoondada haweenku tahay geed ka go’an.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay Kulan Madaxda ka socoto dowladda federaalka,kuwa maamul goboleedyada iyo musharaxiintu ay la yeesheen haween ka kala socday dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo gobolka Banaadir oo ku saabsanaa Doorka haweenku ay ku yeelanayaan siyaasadda, kaas oo ka dhacay magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Garowe uga qeyb gelaya shirka sanadlaha machadka Heritage ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ka qeyb geleysa madasha iyo qeybaha bulshada.