Wasaaradda Qorsheynta XFS oo diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa diyaarisay Qorshaha howleedka Wasaaradda Dowladda ee 2021 iyo Istaaratijyada Qaran ee 2021.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorhseynta Maal-gashiga iyo Horumarina dhaqaalaha XfS, oo maanta guddoominaayey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, ayaa waxaa lagu gorfayeey qorshe howleedka Wasaaradda iyo kan hay’adaha dowadda ee sannadkii hore 2020, waxyaabahii qabsoomay, kuwa aan hir-gelin iyo weliba sidoo kale Istaraajiyada 2021ka ee Wasaaradda.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, howlaha horutabinta leh in la xoojiyo u bahaan sida wada shaqeynta hay’adaha dowladda, xariirka wada shaqeynta in la adkeeyo, hirgalinta Siyaasada shaqaalaha ee ku cad waajibaadka shaqo ee qaranka u igmaday, soo bandhigida waxyaaaha u qabsoomay Wasaaradda afarta sano.

Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan( Cabdul) ayaa ku booriyay madaxda iyo shaqaalaha in ay dar-dar-gelin xoog ah geliyaan hawlaha shaqada ah ee Wasaaradda gaar ahaan dib-u-habeynta qaab dhismeedka howlaha baaxada leh ee muhiimada u leh dalkeenna, waxaana uu kula dar-daarmay in sannadkan kor loo qaado siddii loo xaqiijin lahaa gaarista Yoolalka sannadka 2021-ka ee ay hiigsanayso Wasaaraddu kuwaas oo ay ku jiraan hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka, xaqiijinta mashaariicda kala duwan iyo ka rumeynta hiigsiga fog wadanka leeyahay.