Ciidamada Kumaandooska DANAB oo Howlgal Qorsheysan fuliyay

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka  sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka  Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka  DANAB ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyaan degano iyo degmooyin ka tirsan GobolLada dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab,iyadoona Howgaladaasi lagu qaarajiyo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.