Afghanistan iyo Taliban ayaa dib u bilaabaya wadahadaladii awood qaybsiga

Wakiilo ka kala socda dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ayaa dib u billaabaya wadahadalladoodi ku saabsasaana awood qaybsiga.

Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu beri oo talaada ah ka dhaco dalka Qatar oo hore u mati geliyay dhowr shir oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Wadahadaladaan ayaa bilaawday bishii Sebtember ka dib markii kooxda Taalibaan iyo Maraykan ay ku heshiiyeen in la saaro ciidmada Marayakanka ee jooga dalka Afghaanistaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Afghanistaan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii looga mira dhalin lahaa wadahadaladaan muddada soo jiitamaayay.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wax kasta ay ka hormarin doonaan danta shacabka Afghaanistaan.