Dugsi hoose/dhexe oo laga hirgaliyay deegaanka Afweyn ee dagmada Samareeb

Wasiir Kuxigeenka waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Qaliif ayaa maanta si rasmi ah u furay Dugsi Hoose/Dhexe oo laga hirgaliyay Deegaanka Afweyn ee Gobolka Galgaduud.

Xaruntaan waxbarasho oo ay hirgalisay mu’asasada Baxru-nuur ayaa noqonaysa  mid fursad Waxbarasho u abuuraysa dadka ku nool qaybo ka mid ah miyiga fog ee Magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabada furitaanka Goobtaan waxbarasho waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan baxru-nuur, guddoomiyaha caasimadda iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.