Ra’isal wasaarre Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhow gaaray Xerada Bali-doogle

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray xerada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidan, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’uiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Bali-doogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.