Ra’iisul wasaaraha JFS oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada shaqaalaha dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee argagixisadu maanta qaraxa la beegsadeen

Ra’isulwasaaraha ayaa wareystay dhaawacyada oo uu mid kasta ku booqday sariirtiisa wuxuuna ilaah uga baryay caafimaad.

Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ay ka go,antahay horumarinta dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali & Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye.