Olole nadaafadeed oo laga sameeyay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir

Maamulka degmada Howl-wadaag oo kaashanaya waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee gobolka Banaadir ayaa xalay olole nadaafadeed ka sameeyay waddada soddonka.

Waddada ayaa laga qaaday carro iyo qashin fara badan oo billicda waddada iyo caafimaadka dadweynaha hareerahaas degan khatar ku ahaa.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Howl-wadaag iyo waaxda Gaadiidka Dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay in howlaha dib u soo celinta bilicda iyo kor u qaadista nadaafadda deegaanka socon doonaan ilaa laga gaaro ujeedka laga leeyahay.