Dhulgariir xoog leh oo ku dhuftay Croatia

Dhul gariir xoog leh oo uu cabirkiisu gaarayo 6.3  ayaa ku dhuftay bartamaha Croatia, iyadoo la soo sheegayo dhaawacyo iyo sidoo kale bur bur xoog leh oo soo gaarey dhismooyinka koonfur bari ee caasimada.

Dhulgariirka ayaa laga dareemay dalka oo dhan, iyo sidoo kale laga dareemay dalalka  deriska leh Croatia ee  Serbia, iyo Bosnia iyo Herzegovina.

Dhanka kale Xarunta European Seismological Center ayaa sheegtay in dhul gariir uu ku dhuftay koonfur bari ee magaalada Zagreb.

Warbixinadii ugu horreeyay ayaa sheegaya in dhulgariirku uu sababay waxyeello ballaaran, uuna bur-buriyay dhismooyin iyo sidoo kale wadooyin

Isla aaggaas waxaa maalinkii isniinta ku dhuftay dhulgariir  cambirkiisu ahaa 5.2

Laanqayrta Cas ee Croatia waxay sheegtay inay ka jawaabeysay xaalad “aad u daran” oo ka jirta Petrinja dhulgariirkii ka dib.

Stephen Hicks, oo ku xeel dheer cilmiga dhul gariirka ee kuliyada Imperial College ee magaalada London, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Waxaan u maleyneynaa in gariir xoog leh uu jiro, sidaas darteedna uu waxyeello u geysan doono dhismayaasha.”

Warshadda Nukliyeerka ee Krsko ee dalka Slovenia ayaa loo xiray taxaddar ahaan, afhayeenka warshadda ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah.

W/Q: Abdukadir Mohamed