Shirwayne looga hadlayo xasilinta dalka oo maanta Garoowe ka furmaya

Garoowe- Madasha machadka Heritage oo sanadkan looga hadlayo xasilinta dalka, dhammaystirka Dastuurka, gaarista doorasho qof iyo cod ah iyo hirgalinta nidaam Federaal oo shaqaynaya ayaa maanta ka furmaysa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka dalka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka, madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, musharixiinta xilka madaxweynaha u taagan qaarkood, ururada bulshada iyo marti kale.

Madasha oo qorshuhu ahaa in la furo 29-kii bisha ayaa dib u dhac ku yimid sababo farsamo, balse waxaa la qorsheeyey maanta in lagu qabto shirka oo socon doona 3-maalmood xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, sida uu sheegay agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi.

Sida ku cad ajandaha madasha, madaxda ka qaybgalaysa oo aragti ahaan ku kala duwan xaaladda dalka ayaa ka wada qaybgali doona doodo adag oo ku saabsan qabya tirka Dastuurka, ammaanka dalka, dawlad wanaagga iyo kaalinta ay bulshadu ku leedahay.

Madaxda ka qaybgalaysa madashan ayaa qaarkood isku arkeen kulamo gaar gaar ah, waxaana madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay gudoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, halka Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ay Garoowe ku kulmeen. madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.