Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

MUQDISHO- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ben fender.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa kala hadlay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya mudane ben fender, sidii ay gacan kaga siin lahaayeen arrimo la xariira horumarinta magaalada, xallinta khilaaadka iyo xasiloonid amniga.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane ben fender, ayaa sheegay inay ka taageerayaan maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana muhiimad gaar ah ay u leedahay mashruucan nabadeen bulshada caasimadda.

Dowlada Ingiriiska iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa si waddajir  ah uga shaqeeyn doono fulinta mashruucaan si loo helo xal waarta.