Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ciidanka Booliska ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 77-aad

Muqdisho- Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay SONNA ayaa ciidanka Booliska ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Sareeyeyaasha ,Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu taliyaha ugu hambalyeeyay Munaasabadda Sanadguurada 77-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.