Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Hooygiis ku booqday Guddoomiyaha Golaha shacabka BJF+Sawirro

Garoowe – Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay hoygiiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Mr. Karaasha iyo Guddoomiye Mursal ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka dalka, waxayna si gaar ah diirada u saareen Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku sugan wafuud kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo halkaas uga qeyb galaya Madasha doodaha machadka Heritage oo halkaas ka furmaya.