Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Garoowe

Garoowe– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Wafuuda kala duwan ee maanta tegay Puntland iyo kuwo la filayo inay maalmaha soo socda gaaraan Garoowe, ayaa dhammaantood ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.