Horjoogayaashii Argagixisada u qaabilsanaa samaynta qaraxyada oo lagu qaarajiyay Jubbada dhexe.

Muqdisho- Ciidamada Xooga dalka ayaa how-gal qorshaysan oo ay ka sameeyeen dagmada jilib ee gobolka jubada dhexe ku dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyaadka Al-shaab u qaabilsanaa samaynta jaakadaha ay qaraxyada u isticmaalaan iyo suumamka laysku xiro taasi oo ay ugu talagaleen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kumaandooska sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa dagmada Jilib ee gobolka jubada dhexe ku dilay horjooge Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya iyo horjooge Maxamed Sheikh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay al-shabaab u Adeegsadaan isqarxinta iyo labo horjooge oo kale sida ay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida us heegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo howl-galka hogaaminayay.

Saraakiisha Danab ayaa intaasi ku daray duqaynta iyo howl-galka qorshaysan ee laga fuliyay Jilib ujeedkoodana yahay ka hortagga qaraxyada ay ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan Al-Shabaab.

10-kii bishaan December ayaa dagmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe waxaa ka dhacay duqayn ay iska kaashadeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africom duqayntaasi oo lagu bur-buriyay warshadii samaynta qaraxyada Al-shabaab halkaasi ku lahaayee