Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka hirshabelle Dr. Cabdixakiim luqmaan oo soo gaaray maanta magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cade ee muqdisho.

Soo dhaweynta guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka qeyb galay xilidhibaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka, siyaasiyiin, Safiirro iyo ururada bulshada rayidka.

Intaasi kadib guddooyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka hirshabelle Dr. Cabdixakiim luqmaan iyo wafdigii la socday ayaa galbiyey hoyga uu ka degan magaalada Muqdisho.