Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo sagootiyay ciidan tababar loogu qaaday Turkiga

Muqdisho- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Muqdisho ka Sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.

Waxaana dhanka kale, wasiirka Difaaca uu soo dhaweeyay Saraakiil  iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada.

Soomaaliya ayaa waxay xiriir diblomaasiyadeed oo adag la leedahay Dowladda iyo Shacabka Turkiga, waxayna xukuumadda Ankara kaalin weyn ka qaadataa dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.