Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay Isimada iyo Bulshada Rayidka Puntland+Sawirro

Garowe- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo  magaalada Garowe kulan kula yeeshay Isimmada iyo qeybaha bulshada rayidka Puntland ayaa uga waramay xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoygooda Garowe ku booqday Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, dhisidda nabadda iyo isku haynta bulshada.

Waxa uu sidoo kale ka dhageytay  talooyinkooda ku aaddan dowladnimada iyo sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka ummadda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo uu warbixin ka siiyay guud ahaan xaaladda dalka iyo qaabka dowladdu u wajaheyso arrimaha ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalku galayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshda rayidka ku ammaanay kaalintooda dowlad dhiska iyo dhiirrigalinta nabadda,kuna boorriyay inay doorkooda ka qaataan arrimaha taagan sida doorashooyinka oo ay talo iyo saameynba ku leeyihiin.

Wakiillada Bulshada Rayidka ah ayaa dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ahaa oo la xiriira arrimihii la isla soo qaaday.