Maamulka G/Banaadir oo la wareegay qalab mucaawino ah oo ay ku deeqday dowladda Talyaaniga

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegay agab kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sar ee cutubka dowladda Talyaaniga ee ka jooga Soomaaliya ka guddoomay agabka oo ah mid loogu talagalay deb-demiska ayaa waxaa uu ka koobanyahay gaadiid, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka dega degga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Axmed ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay agabkan ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab taaganyihiin maamulka Gobolka Banaadir.