Maxkamadda ICC oo joojisay dacwad ka dhan ah ciidanka Ingiriiska

Xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada dagaalka ICC ayaa arbacadii sheegtay in ay joojisay baaritaan hor u dhac ahaa oo ka dhan ah ciidanka Britain.kuwaas oo  lagu eedeeyay in Ciraaq ay ka geysteen dambiyo dagaal.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli maxkamadda ICC  ay cadaadis kala kulantay  Washington ka dib markii la furay gal dacwadeed ka dhan ah ciidanka Mareykanka oo dambiyo sidoo kale ka geystay Afghanistan.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in ay jiraan tacadiyo,hase yeeshee, UK waxay sameysay baaritaan waafi ah dambiyadaas lagu ogaanayo

Bishii Juun, baaritaan madaxa banaan oo la sameeyay ayaa muujinaaya in ciidanka UK ay geysteen tacadiyo ka dib markii ay heleen kumanaan cabasho oo arrintaasi.