Mudug:Dhallinyarada oo Gobolkaasi ka bilaabay adeegyo dhir-beeris ah

Dhallinyarada gobolka Mudug, gaar ahaan ururka dhallinyarada Jiildhis oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha ururkaas Madar Axmed Geelle ayaa dhir beeris ka billaabay deegaannada gobolka Mudug.

Dhallinyaradaan oo isu abaabulay dhireynta gobolka ayaa dhir beeris iyo wacyigelin waxey ka billaabeen deegaannada Bitaale iyo Bandarqaali ee bariga magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyaradan oo isu xil-qaamay dhireynta deegaanka ayaa Bitaale iyo Bandarqaali gaarsiiyay in ku dhaw 100 geed oo loogu talagalay in lagu soo celiyo bilicda deegaanka, waxeyna sheegeen in ay gaari doonaan deegaannada Galmudug.

Dhirta ayaa deegaanka u leh faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin quruxda deegaanka iyo is beddelka cimilada.