Morocco oo noqotay dalkii ugu dambeeyay oo Carab ah oo la heshiiyay Israel

Morocco ayaa noqotay  wadankii u dambeeyay oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo Israel kula heshiiyay soo celinta xiriirka diplomaasiyadeed, iyadoo Mareykanka ka shaqeeyay saxiixa heshiiskan.

Waxaa horey sidan oo kale, heshiis kula galay Israel dalalka; Imaaraadka Carabta, Baxreyn,Suudaan,Masar iyo Jordan, iyadooMorocco ay noqotay dalkii lixaad oo jaamacadda Carabta ka tirsan oo Israel la heshiiya.

Hesiiska waxaa ku jira in xafiisyo diplomaasiyadeed ka kala furtaan labada dal magaalooyinka Tel Aviv iyo Rabat, sidoo kalena Meesha laga saaro xiriir heerkiisa hooseeyay ee 2000 bilowday kaas oo ka dambeeyay cabashadii Falastiiniyiinta, saraakiil Morocco ah ayaa sheegay in heshiiska sidoo kale ku jirto in dhowaan la bilaabo duulimaadyo toos ah oo labada dhinac ah.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana uu u mahad celiyay Boqorka Morocco.

Sidoo kale, qasriga Morocco bayaan ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay heshiika, ayagoo sheegay in Boqorka uu telefoon kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Trump isla markaana lagu heshiiyay in Morocco iyo Israel yeeshaan xiriir diplomaasi.

Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa soo dhoweeyay hesiiska Morocco iyo Israel.hase yeeshee, waxaa sidii caadada aheyd cambaareeyay heshiiskan madaxda Falastiin ayagoo sheegay in heshiiskan uu dhiirigelin u yahay Israel oo dafirsan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Boqorka Morocco ayaa sheegay in talaabadan aysan wax u dhimi doonin dadaaladda boqortooyada ee ku aadan raadinta xuquuqda Falastiin.