Ciidamada xoogga oo saaka howlgal amni sugid ah ka fuliyay degaanka Gendershe

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa saaka argagaxisada Alshabaab kala wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, ka dib howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen goobo ay ku dhuumaleysanaayeen  maleeshiyadaasi.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen Alshabaab.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, maleeshiyaadkii Alshabaab ayaa isaga cararay ka hor inta aan ciidanka soo gaarin.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato,sida uu sheegay wariye Cabdulaahi Shilaawe, oo ka tirsan Idaacadda codka ciidanka qalabka sida, oo ku sugan Gendershe.