FAA’IIDOOYINKA BUUGAAGTU U LEE YIHIIN NOLOSHA AADAMAHA

Buuggu waa warqado laysu geeyay, wuxuuna macno ku yeeshaa wixii lagu qoray ee halkaasi xogaha qaab qoraal ahaan ama qaab sawir ahaan ah loogu keydiyay islamarkaana ka kooban bogag labada dhinac ay ka xigaan garbado si wacan loo adkeeyay loona qurxiyay.

Buugaagta ayaa aadamaha u leh faa’iidooyin badan oo aan la soo koobi Karin, waana xog baahiyihii ugu horeeryay ee aadamuhu isticmaalo ka dib markay ka soo gudbeen qaabkii sawirrada la qori jiray.

Haddaba, buugaagta ayaa ah ilaha laga raadsado aqoonta, xogha iyo taariikhaha soo jireenka ah taasoo ah wax aad u qaymo badan oo lagu wadaago xogta.

Sidoo kale, waxyaabaha uu dheer yahay xog baahiyayaasha cusub  waxaa ka mida waxaad helaysaa xog saafi ah iyo buug la qoray boqol sano ka hor, waana tan keentay quburada cilmi baarayaasha inay raadiyaan buugaagtii waa hore la qoray qarniyo ka hor.

In wax la qoraa waxay faa’iido u tahay inuu waaro dhaqanka soo jireenka ah ee umaddaas oo laga helo buugaag taas, laakiin bulshada aan wax qorin waxaa hubaal ah inaysan garadoonin waxay ahaayeen awooweyaashood iyo halka ay ku noolaan jireen iyo qaabka ay u noolaan jireen, waxaana laga yaabaa in bulsho kale wax ka qorto hadhow ama boqol sano ka dibna ay dadkaas kale waydiiyaan taariikh doodii siqaldana loogu fasiro.

Waa wehel aan marna kaa tagayn buugu waana saaxiibka ugu wanaagsan dunidaan kaas oo kaa caawinaaya inaad ogaato wixii dhacay boqolaal sano kahor iyo saadaalinta waxa dhicidoona boqol sano kadib markaa uu nool yahay isaga oo ka tusaale qaadanaya wixii horay u dhacay, hadaba iyada oo ay sidaas tahay waxaan idiin soo gudbinayaa qaar kamida faa’idooyinka buugaagta.

1 waxaa uu hoos u dhigaa istareeska

Waxaa laga yaabaa inaad shaqayso mudo kabadan sideed saac maalin walba taasina waxay qofka ku keenikartaa caafimaad la’aan iyo walwal, daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu qofkaasi u baahan yahay nasiino iyo inuu tago meel uu naftiisa ugu raaxayn karo, hadaba cilmi baarayaashaas ayaa sheegay inay buugaagtu kamid yihiin waxyaabaha yareeya walwalka.

2 waxaa laga helaa aqoon

Boogaagta ayaa kamida meelaha ugu horeeya uu qofka aadamaha ahi ku kobcin karo aqoontiisa nafeed mid diineed iyo mid maadiyaba miday rabto ha’ahaatee, ardada ayaa ah kuwo aad u aqriya buugaagta si’ay u balaariyaan aqoontooda maskaxeed, sidoo kale taariikh yahanada iyo cilmi baarayaasha ayuu waxtar gooniya u leeyahay.

Buugaagta ayaa leh qaybo badan sida buugaagta diimaha oo ay kamid yihiin Quraanka, Baybalka sidoo kale waxaa jira buugaagta cilmiyaysan oo ay kamid yihiin Wargasyada cilmiyaysan iyo buugaagta cilmiyaysan iyo sidoo kale buugaagta qaamuuska oo ereyada laga baaro.

WQ: MUUSE CABDINUUR MAXAMUUD