Xayiraaddii Karoona kadib, dadkii ugu horeeyay oo cimra u tagay Sacuudiga.

Madiina Al-munawarah- Dufcaddii ugu horreysay oo ah dad ka yimid dibadda Sacuudiga ayaa maanta gaartay magaalada barakeysan ee Madiina Al-munawarah.

Dadkaan doonaya inay cimraystaan oo gaaraya 135 qof ayaa ka yimid dalka Indonesia, iyagoo ilaalinaaya baratakool ka looga hortegaayo faafidda cudurka Karoona Fayras.

Dadkaan ayaa geli doona 3 maalin oo karantiil ah si loo hubiyo caafimad qabkooda sidoo kalena loo hir geliyo nidaamka u yaal wasaaradda xajka iyo cimrada.

Dalka Sacuudiga ayaa hore ugu ogolaaday dadka gudaha jooga in ay cimraystaan, iyada oo la ilaalinaayo badqabka dadka, loona hoggaan samaayo tallooyinka hey’adaha caafimaadka.