MUWAADIN KA QEYB QAADO BILICDA DALKAAGA HOOYO

Dalkastoo dunidaan ka mid ah, waxaa horumariyey muwaadiniintiisa oo u soo dhabar adeegay, maantana waxey ku raaxeysanayaan waa waxey horey dhididkooda ugu soo qubeen.

Hadaba xal miyey inoo tahay dal muwaadiniintiisu quruxsadeen inaan u haajirno? Maya dan inooma ahan oo qeymane ku yeelan meyno taa, qeymaheena iyo sharafteena waxey ku jirtaa inaan dalkeena aaminno oo bilicdiisa iyo horumarkiisa dhaqaale si wadajir ah uga wada qeyb qaadano.

Dowladaha adduunka ugu awoodda badan ee galbeedka(westrenka) waxey soo mareen burbur iyo dagaallo sokeeye ( Civil War), balse waxey u noqotay taariikh wax ku ool ah, waxey abuureen fursad waxeyna aamineen kalsooni ah inay dunida hoggaamin karaan wey ka dhabeeyeen oo maanta dunida ayaga ayaa hoggaaminaaya haddey noqon laheyd, dhaqaalaha, militriga, Aqoonta iwm.

Dhallinyarow waxuu Allaah nasiiyey dhul siman, dhul ku wanagsan beerashada iyo wax-soo saarka haddi aan is ku tashanno oo aan isu geyno awooddeena dhallinyaro waxaa hubaal ah inaan quudin karno malaayiin ku nool caaalamka.

Aan iska ilowno dagaalladii na soo maray oo ha inoo noqdeen cashar aan ku horumarinno dalkeena, shaqsi kasto oo muslim Soomaali ah waxaa waajib kasaaran yahay ilaalinta iyo horumarinta dalka.

Isku day xooggaaga inaad ugu faa’iideyso dalka iyo dadkaaga hooyo intaad la haajiri laheyd xooggaaga oo aad ugu faa’iideyn laheyd waddamo iyo bulshooyin kale.

Sidee ayaan u horumarin karnaa dalkeena Gobolladiisa mid kasta waxuu caan ku yahay oo ku tiirsan dhaqaalihiisa.

Qaar waxey caan ku yihiin beeraha, Qaarna xoolaha nool, kuwana xabagta ama beeyada.

Kaliya waxey ubaahan yihiin ayaa ah dad horumariya oo u soo jeesto wax-soo saarka dalkeena.

Bulshada Soomaaliyeed oo dhan ee ku nool 18-ka Gobol waxaa ku filan wax-soo saarka gobolka shabeellaha hoose oo kaliya iska dhaafe gobollada kale ee dalkeena.

maanta waxaan ka gaajeysannahay waxii Alle uu na siiyey oo u baahan kaliya in xoog la galiyo, balse waxaan sugeynaa oo aan mar walbo uhanqal taagnaa wax ay soo saareen bulsho asaageenna ah oo laga soo saaray buur korkeeda.

Waan awoodnaa inaaa dhisno dhaqaalaha dalkeena, waan awoodnaa inaa wax-soo saarno oo aan dhoofino, waan awoodnaaa in dalkeena laga waayo bulsho faqiir ah, waan awoodnaa xagga dowladnimada inaan la tartanno kuwa awoodda badan, laakin waa inaan iska ilownaa waxa loo yaqaanno qabyaaladda, Ogsoonow qabyaaladda dhibaato ma ahane horumar ku gaarsiin meyso.

In ka badan 25 sano ayaan aamisaneen qabyaaladda waxaan ku weynay maamul wanagsan waxey na bartay eex iyo caddaalad darro waxey baabi’isay qeymaheenii wanagsanaa.

Qabyaaladdu waxey naga dhigtay bulsho ay tusaale usoo qaataan hoggaamiyayaasha dunida qaar ka mid ah marka ay dadkooda ka wacyi galinayaan dhibaatada.

Qabyaaladdu kuma heyno wax faa’iido ah oo ma jirto qabiil horumar ku gaaray.

Haddaba, waxaa la gaaray xilligii aan ka caqliyeysan laheyn qabyaaladda oo aan aamini laheyn qarankeena iyo horumarka dalkeena.

Dhallinyarooy aan ka faa’iideysano barwaaqada dalkeena intaanan dhiman, Tusaalane aan u noqonno jiilalka soo socda.

Mahadsanidiin.

WQ: Cumar Maxamed Cumar( Xuundey)