Safiirka JFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay xiriirka wadamada Carabta iyo Shiina

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa ka qayb galay shir uu soo agaasintay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, iyadoo ka soo qayb galeen Safiirada wadama carabka ka jooga dalka Shiinaha.

Shirkan intii uu socday ayaa waxaa meeshaas ka hadlay oo qudbad soo dhawayn ah  safiirada  u jeediyay  madaxa xarunta cilmi baarista Shiinaha Carabta ee hagaajinta iyo horumarinta ah Mudane  Jiang Feng, isagoona uga mahadnaqay kasoo qayb galka shirka

Danjire Cawaale Cali Kullane oo inta shirka socday ka hadlay ayaa isagana halkaas ka sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xariirka dalalka carabta iyo Shiinaha, lagana shaqeeyo sidii loo badin lahaa kulamada nuucan oo kale ah

Sidoo kale waxaa magaca safiirada shirkaas ka qayb galay oo ka mid yahay safiirkeena Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane ku hadlay safiirka dalka Sacuudi Careebiya Danjire Turki bin Maxamed Al-maadii, isagoo halkaasna uga mahadceliyay xarunta kulankaan soo abaabushay sida ay marti qaadka ugu sameeyeen iyo wadashaqeynta dhaw ay doonayaan in ay la yeeshaan safiirada dalalka carabta.

Safiirka Cawaale oo warbaahinta  qaranka la hadlay ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid muhiim ah oo xogo muhiim ah laysku waydaarsaday, waxa uuna safiirka u mahadnaqay wasaaradda Arrimaha dibadda oo wadda maalmahan dadaal lagu xoojinayo xariirka Shiinaha iyo dalalka carabta.

Safiirada dalalka Carabka ee dalka Shiinaha ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in sidoo kale ka qayb galaan shirar kale oo lagu xoojinayo xariirka Ccarabta iyo Shiinaha.