BARAHA BULSHADA OO KA MID NOQDAY GOOBAHA UU KU SII BAABA’YO AFKA SOOMAALIGA

Erayo la soo gaabiyo oo aan ku habbooneyn in loo adeegsado luuqad ahaan afka Soomaaliga ayaa lagu arkaa baraha bulshada oo aad mooddo in ay dhiirigaliyaan in uu lumo afka hooyo.

Dadka qaar waxay ula jeedaan in ay waqtiga wax qorista ay soo gaabiyaan waxayna erayo dhan ku koobaan dhowr xaraf oo haddii ay sii socdaan luminaya erayadii saxda ahaa .

Dad baa erayga “Fiican” oo salaam ahaan loo isticmaalo u soo gaabiya”Fc” qaar kalena marka ay “walaal” qorayaan waxay isticmaalaan “Wll” taas oo jahawareer badan ku soo kordhin doonta luqadda xilliyada mustaqbalka dhow.

Waxaa iyana jira baraha bulshada ee ay ku jiraan tiktok iyo Youtube waxyaabaha lagu soo bandhigo oo qaarkood maaweelada loola jeedo ayaa lagu isticmaalaa erayo af soomaali ah oo nagu cusub oo eray xaafadeed ah mana aha maanta in aad bulshada dhexdeeda siiba dhallinyarada aad ka dhex maqasho erayo kaaga yaabinaya.

“Waad shidan tahay ,,ku soco..waad ii kala kicisay ..u kala tuur…iwm” ayaa caadi ka ah magaalada dhexdeeda waxaana halkaa looga tagay erayo rasmi ahaa oo kuwaas ka fiicnaa bedelkoodana la adeegasan karay.

Lama oga halka lagu wado luuqadda iyadoo xitaa ay isbedeleen isticmaalkii erayadii cuslaa ee suugaan iyo heesaha lagu adeegsan jiray.

Haddii aad hore u taqaanay miraha heeso ay ku jiraan gufaaco, Subcis..iyo kuwo kale maanta waxaad maqleysaa heeso laga soo minguuriyey suugaanta reer galbeedka weliba nooca raabka loo yaqaano oo adeegsada erayo fudud taas oo ay inta badan suugaanleydii ee soomaalida madaxa ka ruxeen iyagoo muujinaya in aaney la dhacsasaneyn.

Inkastoo suugaanleydii hore ay sidaas qabaana dhallintu waxay ku doodayaan in xilligan casriga ah aaney iyaguna la dhacsaneyn in gabar lagu ammaano geed oo la yiraahdo sida geed caleen leh ama gabar lagu sifeeyo xayawaanka geriga oo la yiraahdo luqunteeda gariga ama laga soo qaado qalanjo oo ah maroodi dheddig ah.

Inkastoo doodaas ay tahay mid kale oo saameynteeda leh waxaa hadal heynta heesaha dhallintu afka ku heyso xilliayadn dambe u badan kuwa raabka sida kuwa wiilka dhallinyarada ah ee SHARMABOY oo heesihiisa qaarkood ay ku jiraan Dharkana anigaa kuu dhaqaa iyo cajiinka caawa anigaa kaa qasaa.

Si kastaba ha ahaatee wax walba xilligooda ayey leeyihiin laakiin waxay u muuqataa in baraha bulshada ay noqonayaan meesha ay ku sii daciifeyso awooddii luuqadda soomaaligi lahaan jirtay.

WQ:Mohamed Shiil