Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shaqaalaha kula dardaarmay dardargelinta shaqada Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa kulan lagu dardar gelinayo howlaha Wasaaradda la qaatay madaxda iyo howl wadeenada Wasaaradda, waxaana goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Kulankaan oo uu shirgudoominayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cumar Cali Rooble ayaa ujeedkiisu ahaa is xog wareysi iyo isla xisaabtan Waxaana diirada lagu saaray Qorsho-Howleedka 100-ka Maalin ee Soo Socda ee Wasaaradda, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha muhiim u ah shaqada Wasaaradda.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray fursadaha ay heysato Wasaaradda iyo caqabadaha ugu waa weyn eek u hor gudban howlaha Wasaaradda, qaabka loo horumarin karo shaqada Wasaaradda iyo in la dedejiyo sharciyada iyo xeerarka quseeya howlaha Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Waxaa Warbixinno laga dhageystay Agaasimaha Guud Iyo agaasime Waaxeedyada Haddaba falanqeyn iyo dood dheer kadib waxa uu Wasiirka Wasaaraddu kula dar daarmay Agaasimayaasha wasaaradda in lasii Laba laabo dar dar gelinta howlaha iyo qorsheyaasha Wasaaraddda laga doonaayo in ay fuliso 100-ka maalmood ee soo socda iyo qorsheyaasha kale ee Wasaaradda u yaalla.

Tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda 19 October 2020 Xilka Wasiirnino ayaa waxaa uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana lagu horumarinaayo howlaha Wasaaradda.

   

Leave a Comment