Howlgal amniga lagu sugayo oo ka bilawday Gaalkacyo dhinaca Galmudug

Gaalkacyo- Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka bilaabeen maanta Magaalada Gaalakcyo ee Xarunta gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka oo inta badan ay ciidamada ka samaynayeen wadooyinka ayaa waxaa ay baaritaanno ku samaynayaan gaadiidka isticmaala wadooyinka Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in ciidamada ay Muraayadaha Madow ee loo yaqaano Bersolka ay fiiqayaan gaadiidka yar yar ee isticmaala wadooyinka Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo uga baaqayay inay gawaaridooda u isticmaalin Muraayadaha Madow ee Bersolka.

Muddo hadda laga joogo laba bilood ayaa waxaa Muraayadaha Madow laga fiiqay dhamaan gawaarida Magaalada Gaalkacyo, kaddib amar kasoo baxay maamulka gobolka Mudug oo kaashanaya laamaha amniga gobolka.

Saraakiisha laamaha amniga & maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr jeer waxaa ay amarro ka soo saareen gawaarida leh muraayadaha madow, sidoo kale ay amar ku bixiyeen in la fuliyo howlgallo gawaarida looga fiiqayo muraayadaha madoow ee Bersolka.