Qaramada midoobay oo gurmad bani’aadminimo ka bilowday gobolka Tigreega

Adis-Ababa- Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay bilawday howlaha gargaar bini aadanimo lagu gaarsiinaayo gobalka colaaduhu ka socdaan Tigreega ee dalka Itoobiya.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo dowladda Itoobiya kala saxiixdeen heshiis ogolaanaya in loo gurmado dadka ku dhibaataysan gobalka Tigray.

Heshiiskaan wuxuu ogolaanaya in shixnaddii ugu horeysay oo isagu jirta dawo iyo cunto la gaarsiiyo gobalka oo ay soo wajahday gaajo kadib dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeen u qaabilsan Qaramada Midoobe arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in marka hore qiimeyn lagu sameeyn doono baahiyaha jira si loo caawiyo dadka dhibaateysan.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ayaa dhowr jeer dalbaday in la fududeeyo qaabka wax lagu gaarsiin karo dadka ay wax yeeladu kasoo gaartay dagaalka u dhaxeeya jabhadda Xoreyna Tigreega iyo ciimada dowladda Itoobiya.

Qaramada Midoobe waxay sheegtay in dad gaaraya 800,000  oo ku sugan gobalka Tigreega ay u baahanyihiin gargaar bini’aadanimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaxooti ka soo jeeda dalka Ereteriya.