Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deeganno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, waxaana howlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada Walla-galeen, Galka Saalimow, Dahaad, Ceel maracade iyo garas gawaan oo ka tirsan gobolka shabeellaha hoose.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayay Idaacadda codka ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaas ku dileen 11 xubnood ka tirsan Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa sarkaalkii watay ciidankaas.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay burburiyeen goobo Al-Shabaab dadka ugu qaadayeen lacagaha baadda ah.

Ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday howlgallo qorshaysan, waxaana howlgaladaas fulinayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.