Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo goor dhaw Furmay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa goor dhow xarunta xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay furitaanta shirka ayaa ka hadlay arrima badan oo ay ka mid yihiin la daagalanka argagixisada ,Amniga iyo doorashooyinka.

Shirka waxaa ku sugan sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) wasiiro iyo xilidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) qaar ka mid safiirada beesha caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Ergaryga gaar ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan sidoo kale khudbad dhinac Zoomka ah uga soo qeyb-galay

hada waxaa socota khudbada madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Garowwe uga jira aalada fogaan arrga ee Zoomka,waxaana sidoo kale qorshahun yahay inay shirka ka hadlaan xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.