Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shir deg deg ah oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda Afrika

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta kaga qeybgalay aaladda fogaan aragga Kaltanka 21aad shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha fulinta Ururka Midowga Afrika oo looga hadlay Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) iyo fulinta hindisaha Midowga Afrika ee 2020 ee aamusinta qoriga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay rabitaanka Soomaaliya iyo shucuubta qaaradda si loo hirgeliyo aagga ganacsiga xorta ah si ay u suuragasho in dalalka Qaaradda Afrika ay is-weydaarsadaan badeecooyin iyo adeegyo si aan caqabad ku jirin si loo gaaro is-dhexgal dhaqaale oo waxtar leh oo macnaheedu yahay xilli cusub oo iskaashi qaaradeed ah.
22 Maarso, 2018 ayaa Soomaaliya ay ku saxiixday Caasimadda Kigaali ee dalka Ruwaanda labo heshiis oo kala ahaa Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika iyo Hab maamuuska isku socodka xorta ah ee Dadka