Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado in lagu ciyaaro garoonka Eng Yariisow

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kooxaha Heegan iyo Midnimo ayaa galabta ku ballansan inay wada dheelaan kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League ee fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, waana ciyaartii 52-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan ahna kulankii 11-aad ee horyaalka Somali Premier League.

Kooxda kubadda cagta Heegan kulankii ugu dambeeyay waxa ay 3-1 ugu adkaatay naadiga Elman ciyaar dhacday 03-03-2020.

Wiilasha Mdinimo kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxa ay barbaro goolal la’aan la soo gashay kooxda kubadda cagta Dekedda FC.

Heegan ayaa iminka ku jirta booska 5-aad ee horyaalka iyadoo leh 17-dhibcood, halka Midnimo ay leedahay 10-dhibcood waxayna ku jirta booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka kal ciyaareedkan.

Naadiga Midnimo ayaa sanadkan rabta inay baaqi ku sii ahaato horyaalka heerka koowaad, iyadoo iska ilaalinaysa inay dib uga dhacdo horyaalka Somali Premier League.

Hoggaamiyaha kooxda Heegan Mahad Meykon ayaa galabta ka go’an tahay inuu guul gaaro si uu u soo cariirsado kaalimaha ugu sarreya horyaalka fasal ciyaareedkan 2019-20.