FIFA Oo Si Rasmi Ah U Aqoonsatay Garoonka Mogadishu Stadium.

Xidhiidhka kubada cagta Adduunka ee FIFA ayaa si Rasmi ah u aqoonsatay garoonka Mogadishu Stadium una aqoonsatay in uu yahay garoon heer caalmi ah.

Garoonka Mogadishu Stadium ayaa haatan la mid ah garoomada ugu waaweyn kubada cagta adduunka kadib markii ay maanta FIFA siisay shahadaadada aqoonsiga caalamiga ah.

Aqoonsiga FIFA ee garoonka Mogadishu Stadiumayaa imanaya kadib markii bilo yar kadib dib u dhis cusub lagu sameeyay loona dhisay qaab heer sare ah.

Kadib aqoonsiga FIFA xulka qaranka Somaliya ayaa garoonka Mogadishu Stadium ku ciyaari doona kulamada heerka caalami halkii ay markii hore ku ciyaari jireen wadamada jaarka.