Degmada Dharkeynley oo laga daah furay goobo dalxiis+sawirro.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley iyo agaasimaha dalxiiska & maalgashiga gobolka Banaadir ayaa daah furay dalxiiska degmada Dharkeynley oo markii ugu horreysay loo dalxiis tago.

Agaasimaha dalxiiska iyo maalgashiga Gobolka Banadir Mudane Cabdifataax Maxamuud Siyaad (Arizona) ayaa sheegay in Degmadaan ay door muhiim ah ka qaadan doonto Dalxiiska Caasimadda, maadaama ay leedahay Goobo Dalxiis oo soo jiidasho leh.

Guddoomiyaha degmagada Dharkenley mudane Guhaad Sheikh Xassan oo ka hadlay Munaasabadda daah-furka Dalxiiska ayaa sheegay in maanta waxii ka danbeeya Dalxiiska Degmadu uu kamid noqon doono shaqooyinka joogtada ah ee Maamulka, waxaana uu bulshada Caasimadda ugu baaqay in ay u soo dalxiis tagaan Dharkenleey oo ah meel ku wanaagsan Dalxiiska.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley mudane Guhaad Sheekh Xassan oo dhawaan loo magacaabay degmadaas ayaa dardar geliyay arrimaha dalxiiska oo qeyb ka ah is-dhaxgalka bulshada,waxaana shalay ku dalxiisay goobaha dalxiiska Dharkeynley shacab badan oo ay u aheyd maalin fasax maadaama ay Jimco aheyd.