Tallaalka COVID-19 oo si rasmi ah looga daah-furay Gaalkacyo

Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka bilaawday Tallaalk COVID-19.

Tallaalka ayaa lagu bilaabay Mas’uuliyiinta kala duwan ee katirsan Maamulka Galmudug . Waxaana ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane: Axmed Xasan Cali oo noqday qofkii ugu horreeyay oo qaata Tallaalka Maanta.

Waxaa goobjoog ahaa xubno farabadan oo ka tirsan Maamulka Galmudug waxaa kamid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr: Mahad Caabi Ciise, Duqa Dagmada Gaalkacyo mudane: Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale , Guddoomiyaha Culumada Galmudug Sheekh Muxudiin Yuusuf iyo Xildhibaanno .

Mas’uuliyiinta ayaa u jeediyay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo dardaaran ku aaddan Tallaalka COVID-19.

Sheekh Muxyadiin Yuusuf oo isagu ah Guddoomiyaha Culumada Galmudug oo ka hadlay madasha ayaa yiri ” Tallaalku waa wax Muhiim ah Diinta Islaamku way banaysay ka hortaga Cudurada “.

Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ayaa Isna Ugu Baaqay Shacabka Gaalkacyo Inay Qaataan Tallaalka si loo yareeyo Khatarta COVID-19.