India Oo Joojisay Dhoofinta Talaalka COVID-19 Ee Oxford-AstraZeneca!!

India ayaa si ku meel gaar ah u joojinaysa dhoofinta talaalka coronavirus ee Oxford AstraZeneca, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Talaabadan ayaa lagu micneeyay in dalab badan oo talaalka ah uu ka jiro gudaha wadanka, kaas oo isa soo tarayay todobaadyadii u dambeeyay.

Sidoo kale, Arbacadii shalay aheyd ayaa la diiwaan geliyay  47,000 kiis halka 275 dhimasho ah la soo wariyay.

Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa bish Abril uu socon doono joojinta talaalka.

In ka badan 190 wadan ayaa oo ku jira hindisaha Covax ee WHO ay ku doonayso in talaalka lagu gaarsiiyo ayuu saameyn doonaa go’aanka New Delhi.

Machadka ugu weyn India ee soo saara Talaalka ee Serum ayaa sheegay in uu dib u dhigay shixnad talaalka Oxford AstraZeneca ah oo ay aheyd in la geyn lahaa dalalka UK, Sacuudi Carabiya, Morocco iyo Brazil.

India ayaa in ka badan 60 milyan oo kuuro oo talaal ah u dhoofisay 76 dal, talaalkaas oo u badnaa Oxford AstraZeneca.

Machadka Serum ayaa sheegay in uu soo saari doono hal bilyan oo kuuro ah oo talaal ah sanadkan, kuwaas oo la siin doono dalalka dhaqaalahooda meel dhexaadka yahay iyo kuwa hooseeyo.

Waxaa uu intaas ku daray in ilaa bishiis Janaayo uu soo saaray inta u dhexeysa 60 ilaa 70 milyan oo kuuro oo talaal ah bishii.

Sida uu hadda qorshuhu yahay machadka wuxu soo saaro doonaa todobada bilood ee soo aadan 600 oo milyan oo kuuro halka bishii uu qorsheeyay 85 milyan uu soo saaro.