Galmudug oo laga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab

Cadaado– Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General Maxamed Caddow Cali {Sanka} ayaa Kormeer shaqo ku tegay xeryaha ciidanka kaga sugan yihiin degmada Cadaado ee gobolka Galmudug.

Ujeedka kormeerka taliyaha ayaa ah sidii ciidanka loogu dhiira gelin lahaa go’aanka geesinimada leh ay u qaateen Difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeeda iyo in ay ciribtiraan argixisada.

Sidoo kale, General Maxamed Caddow Cali {Sanka}ayaa ku booriyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan xeryaha ciidanka Cadaado in ay u diyaargaroobaan howlgalo looga xoreynayo Galmudug kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab.