Wasiir Dubbe Oo Ka Hadlay Kulankii Horudhaca U Ahaa Shirka Qaran Ee Dhammeystirka Ahaa!arrimaha Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafin, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey kulankii furitaanka u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo saaka ka furmay xarunta Afisiyooni.

 

Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dhamman xubnihii lagu casuumay shirka ay ka soo qeyb galeen marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, diyaarna ay u ahaayeen dhameystirka heshiisyaddii 17-kii Sabteembar iyo 16-kii Febraayo ee guddigii Farsamadu ay soo diyaariyeen.

 

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa tilmaamay in maanta shirku uu ku furmay horudhac iyo bar-bilaw wanaagsan, ” waxaa looga hadlayey in marka hore la is qalbi xaaro oo la wadda hadlo si loogu daadago ujeedada shirka iyo ajendayaasha Kale” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.

“Shirku waa uu sii soconaya, waxana rajeynaynaa in Madaxda ka maqan shirka ee aan saaka imaanin inay ka soo qeyb gali doonaan berri, si shirku u sii socdo dalkuna doorasho u aado” ayuu warbaahinta u sheegay Cusmaan Abuukar Dubbe wasiirka warfaafinta ee XFS.

Toogasho Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Mareykanka!

Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliiska ka dib markii is rasaaseyn socotay saacad oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.

toogashada ka dhacay magaalada Boulder ayaa waxaa ugu dambeyn soo afjaray booliiska oo xirey qof dhaawac ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka suuuqa King Soopers.

Weerarka oo toos looga daawanayay barta Youtube ayaa bilowday markii nin hubeysan uu soo galay suuqa ka dibna uu rasaas ku furey dadka.

Taliyaha booliiska magaalada Boulder Maris Herold ayaa xaqiijisay in mid kamid ah askarta booliiska uu ku dhintay toogashada, iyadoo tuhunsanaha oo dhaawac ah lagu daweynayo isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis ayaa sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka gobolka ee dhibaatada ku dhacday.

Sidoo kale, madaxweyne Joe Biden ayaa looga waramay toogashada ka dhacday gobolka Colorado.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bishii hore, madaxweyne Biden balan qaaday in uu sameyn doono sharci adag oo lagu baarayo taariikha dadka doonaya in ay iibsadaan hubka.

Warbixin ku saabsan xarunta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

Maalintii Talaadada ee la soo dhaafay taariikhduna ku beegnayd 7 ayaan waxaan booqosho ku tagnay Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska Soomaaliyeed, halkaas oo aan kula kulanay Madaxda iyo barbaariyayaasha Caruurtaas oo isugu jira Macalimiin, tababarayaal nuuc walba leh.

 

Xarunta waxaa db looo aasaasay 25kii Disember 2017 waxaana lagu bilaabay 60 arday haaatana waxaa ku jira 124 arday oo 90 ka mid ah ay yihiin wiilal kuwaas oo ah agoonta boliiska.

Xarunta waxaa ku yaalla dugsi waxbarasho oo ka kooban fasalka koowaad ilaa fasalka Siddeedaad iyo dugsi Qur’aan xarunta u gaaar ah.

Sidoo kale xarunta waxay leeedhay Bakhaar cuntada lagu keydiyo iyo Farmashiyo daawooyinka carruurta u baahdaan ay yaallaan.

Madaxa Xaruntaasi Agoonta boliiska jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in lacagta ku baxda nolosha carruurtaas ay bixiyaaan ciidanka boliiska.

“Ciidanka boliiska waxay bixiyaan lacag dhan 14 kun oo Doollar bishiiiva iyadoo askari kasta laga jaro hal Doollar, hantidaaas oo ku baxda dhar, daawo, cunto iyo amniga” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.

“Ra\iisul wasaare Rooble iyo wasiiro fara bada iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii nagu soo booqday xarunta, Ra’iisul wasaare Rooble  maaalin ayuu nala qadeeyey ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.

Dhinca waxbarashada waxaa xarunta gacan ka siisa wasaarada waxbarashada oo bixisa man-hajka waxbarashada sida u sheegay jeneraal Cali gaab

Xaruntan waxaa dhinaca caafiaaadka gacan siiya wasaaradda Caaafimaadka oo ay soo raacaan dhmmaan isbitaalada dowaladda iyo xarunta National Eye ee indhaha qaabilsan.

“ Xilligii uu booqday ra\iisul wasaaare Rooble iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiirada waxay xarunta u ballanqaadeen in ay u dhisayaan dugsi sare, hoose , dhexe , kaaas oo dhismihiisu bilaabanayo bisha Abriil ee soo socota” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab oo wareysi dheer siiyey wargeyska Ileyska dalka.

Carruurta xarunta ku jirta ayaa sidoo kale barta maaddooyin diini ah oo kala duwan oo ku jiraan tajwidka, tafsiirka iyo maaddooyin kala duwan iyadoo xarunta ay ka shaqeeyaan shaqaaale u gaar ah .

“Xarunta waxaa loogu talo galay in ay ka soo baxaan jiilkii dalkan hoggaamn lahaa waana xarun uu ka jiro isku tashi iyadoo waxyaabaha qaar sida bulukeeetiga iyo interloogga lagyyyu sameeyo xarunta dhexdeeda” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.

Ra’iisulwasaaraha Yahuudda Netanyahu Oo Ku Wajahan Imaaraadka Carabta

Ilo wareedyo ku sugan Telaabiib ayaa sheegaya in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka  Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan.

Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo cusub oo ka tirsan kuwa Carab ay heshiisyo nabadeed la gali doonaan Israa’iil goor dhow, balse ma uusan shaacin magacyada dalalkan.

Khamiistii la soo dhaafay, Netanyahu oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka, qoraal uu luqadda Carabiga ku qoray  ayuu ku sheegay in caqabadahii la xariiray booqashadiisa Imaaraadka xal laga gaaray, wuxuuna yiri, “arrimahan sida muuqata waxay ka yimaadeen baajinta booqashadii Dhaxalsugaha Jordan ee Masjidka Barakeysan taasi oo ka dhalatay muran ka dhashay tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.”

Sarkaal sare oo Israa’iili  ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in booqashadii Netanyahu ay u baaqatay sababo la xiriira diidmo ka timid Urdun taasi oo sida muuqato jawaab u ah is hortaagii ay maamulka Israa’iil ku sameeyeen booqashada dhaxalsugaha Jordan Xuseen bin Cabdullaahi ee Masjidka Al-Aqsa.

Dawladda Itoobiya Oo Diiday In Muranka Biyo Xireenka Wabiga Niil La Soo Farageliyo!!

Dowladda Itoobiya ayaa diiday dhex dhexaadiyeyaal kale oo Mareykanku ku jiro in ay soo galaan muranka salka ku haya biyo xireenka  webiga Nile ee u dhexeeya, Suudaanka, Itoobiya iyo Masar, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa war fidiyeenka u sheegay in Adis Ababa ay si weyn uga soo hor jeeddo in cidd kale soo farageliso xiisadda taagan ee ka dhalatay biyo xireenka weyn ee Itoobiya sameysay.

Inkastoo, Midowga Afrika uu ku jiro kula dab qaadista dhinacyada isku maandhaafsan arrintan ayaa haddana Itoobiya sheegaysaa in aysan raali ka aheyn in daraf kale soo galo.

Hadalka Itoobiya ayaa imaanaya xilli Suudaan warqad rasmi ah u direy; Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka taas oo ay ku codsanayso in la soo farageliyo muranka taagan.

Xigasho: Anadolu 

Xukuumada Liibiya Ee Cusub Oo Xilka La Wareegtay!

Xukuumadda dhawaan la dhisay ee dalka Liibiya ayaa maanta oo talaada ah xilka kala wareegtay xukuumaddii hore .

Xukuumadda cusub ayaa xilka kula wareegatay xaflad maanta lagu qabtay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, waxaana kasoo qeyb galay madaxda dalkaas iyo kuwii hore.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda cusub Abdul Hamid Dbeibah ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto dhamaystirka dib u heshiisiinta iyo dib usoo celinta nidaamka dowladnimo ee dalka Liibiya

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in Liibiya  maanta dhagax dhigatay nidaamka dimuquraadiyeenta,  maadama xilka lagula  kala wareegay si nabad ah oo  heshiis lagu wada yahay.

Dhismaha xukuumaddan cusub ayaa ku timid heshiis ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso, waxaana laga sugayaa nabadeynta dalka Liibiya.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa Liibiya ka socday dagaalo sokeeye, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan kuwa kalena ku qasbay inay u qaxaan guddaha dalka iyo dibaddiisa.

Xukuumadda Liibiya Ee Cusub Oo Xilka La Wareegtay!

Xukuumadda dhawaan la dhisay ee dalka Liibiya ayaa maanta oo talaada ah xilka kala wareegtay xukuumaddii hore .

Xukuumadda cusub ayaa xilka kula wareegatay xaflad maanta lagu qabtay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, waxaana kasoo qeyb galay madaxda dalkaas iyo kuwii hore.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda cusub Abdul Hamid Dbeibah ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto dhamaystirka dib u heshiisiinta iyo dib usoo celinta nidaamka dowladnimo ee dalka Liibiya

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in Liibiya  maanta dhagax dhigatay nidaamka dimuquraadiyeenta,  maadama xilka lagula  kala wareegay si nabad ah oo  heshiis lagu wada yahay.

Dhismaha xukuumaddan cusub ayaa ku timid heshiis ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso, waxaana laga sugayaa nabadeynta dalka Liibiya.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa Liibiya ka socday dagaalo sokeeye, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan kuwa kalena ku qasbay inay u qaxaan guddaha dalka iyo dibaddiisa.

Howlwadeennada Caafimaadka Isbitaalka Banaadir Oo Qaatay Talaalka Ka hortagga COVID-19

Howlwadeennada Caafimaadka iyo Qaar ka mida mas’uuliyiinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa qaatay Talaalka ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta, maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa ka mid noqday dadkii ugu horeeyay ee qaatay tallaalka ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo maanta dalka laga daahfuray, isla markaana ay hormuud u noqdeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Wasiirka Caafimaadka iyo quburada caafimaad ee safka hore kaga jira la dagaallanka cudurka COVID-19.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talaalka si ay halista cudurka uga badbaadiyaan naftooda iyo midda dadka ay la noolyihiin.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in shaqaale gaar ah ay u diyaariyeen bixinta talaalka, waxayna Dadka kula talisay inay ka faa’iideystaan fursadan si looga hortago qatarta cudurka oo sababay dhimashada in ka badan Seddex boqol oo qof.

Agaasimaha Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullahi Ismaaciil oo ugu dambeyn ka hadlay muhiimadda talaalka looga hortagayo COVID-19 ayaa xusay in loo baahanyahay in si isku mid ah loo qaato talaalka oo uu sheegay inuu wax tar u leeyahay ka hortagga cudurka COVID-19.

Maanta oo ku began sanad ka hor markii dalka laga helay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka COVID-19 ayey Soomaaliya ka mid noqotay dalalka sida rasmiga ah u isticmaalay talaalka mashruuca COVAX oo ay qubarada caafimaadka ee WHO sheegeyn inuu waxtar weyn u leeyahay ka hortagga cudurkan oo saameyn weyn ku yeeshay dunida.

Wareegga 1Aad Ee Dacwadda Baddeenna Oo Si Rasmi Ah u Soo gaba Gabowday

Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka Maarso, Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta soo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dood afeedka dacwadda la xiriirta baddeenna.

Xeer Ilaaliyuha Qaranku wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayey dalkeennu ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha. Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenaya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka galisay.

“Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.”

Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee Dood afeedka badda Soomaaliya. Wareegga 2-aad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaaraysa iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdish

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.