Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdish

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.