Warbixin ku saabsan xarunta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

Maalintii Talaadada ee la soo dhaafay taariikhduna ku beegnayd 7 ayaan waxaan booqosho ku tagnay Xarunta Barbaarinta Caruurta Boliiska Soomaaliyeed, halkaas oo aan kula kulanay Madaxda iyo barbaariyayaasha Caruurtaas oo isugu jira Macalimiin, tababarayaal nuuc walba leh.

 

Xarunta waxaa db looo aasaasay 25kii Disember 2017 waxaana lagu bilaabay 60 arday haaatana waxaa ku jira 124 arday oo 90 ka mid ah ay yihiin wiilal kuwaas oo ah agoonta boliiska.

Xarunta waxaa ku yaalla dugsi waxbarasho oo ka kooban fasalka koowaad ilaa fasalka Siddeedaad iyo dugsi Qur’aan xarunta u gaaar ah.

Sidoo kale xarunta waxay leeedhay Bakhaar cuntada lagu keydiyo iyo Farmashiyo daawooyinka carruurta u baahdaan ay yaallaan.

Madaxa Xaruntaasi Agoonta boliiska jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa sheegay in lacagta ku baxda nolosha carruurtaas ay bixiyaaan ciidanka boliiska.

“Ciidanka boliiska waxay bixiyaan lacag dhan 14 kun oo Doollar bishiiiva iyadoo askari kasta laga jaro hal Doollar, hantidaaas oo ku baxda dhar, daawo, cunto iyo amniga” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.

“Ra\iisul wasaare Rooble iyo wasiiro fara bada iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii nagu soo booqday xarunta, Ra’iisul wasaare Rooble  maaalin ayuu nala qadeeyey ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.

Dhinca waxbarashada waxaa xarunta gacan ka siisa wasaarada waxbarashada oo bixisa man-hajka waxbarashada sida u sheegay jeneraal Cali gaab

Xaruntan waxaa dhinaca caafiaaadka gacan siiya wasaaradda Caaafimaadka oo ay soo raacaan dhmmaan isbitaalada dowaladda iyo xarunta National Eye ee indhaha qaabilsan.

“ Xilligii uu booqday ra\iisul wasaaare Rooble iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiirada waxay xarunta u ballanqaadeen in ay u dhisayaan dugsi sare, hoose , dhexe , kaaas oo dhismihiisu bilaabanayo bisha Abriil ee soo socota” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab oo wareysi dheer siiyey wargeyska Ileyska dalka.

Carruurta xarunta ku jirta ayaa sidoo kale barta maaddooyin diini ah oo kala duwan oo ku jiraan tajwidka, tafsiirka iyo maaddooyin kala duwan iyadoo xarunta ay ka shaqeeyaan shaqaaale u gaar ah .

“Xarunta waxaa loogu talo galay in ay ka soo baxaan jiilkii dalkan hoggaamn lahaa waana xarun uu ka jiro isku tashi iyadoo waxyaabaha qaar sida bulukeeetiga iyo interloogga lagyyyu sameeyo xarunta dhexdeeda” ayuu yiri Jeneraal Cali Gaab.