Dawladda Itoobiya Oo Diiday In Muranka Biyo Xireenka Wabiga Niil La Soo Farageliyo!!

Dowladda Itoobiya ayaa diiday dhex dhexaadiyeyaal kale oo Mareykanku ku jiro in ay soo galaan muranka salka ku haya biyo xireenka  webiga Nile ee u dhexeeya, Suudaanka, Itoobiya iyo Masar, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa war fidiyeenka u sheegay in Adis Ababa ay si weyn uga soo hor jeeddo in cidd kale soo farageliso xiisadda taagan ee ka dhalatay biyo xireenka weyn ee Itoobiya sameysay.

Inkastoo, Midowga Afrika uu ku jiro kula dab qaadista dhinacyada isku maandhaafsan arrintan ayaa haddana Itoobiya sheegaysaa in aysan raali ka aheyn in daraf kale soo galo.

Hadalka Itoobiya ayaa imaanaya xilli Suudaan warqad rasmi ah u direy; Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka taas oo ay ku codsanayso in la soo farageliyo muranka taagan.

Xigasho: Anadolu