Ra’iisulwasaaraha Yahuudda Netanyahu Oo Ku Wajahan Imaaraadka Carabta

Ilo wareedyo ku sugan Telaabiib ayaa sheegaya in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka  Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan.

Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo cusub oo ka tirsan kuwa Carab ay heshiisyo nabadeed la gali doonaan Israa’iil goor dhow, balse ma uusan shaacin magacyada dalalkan.

Khamiistii la soo dhaafay, Netanyahu oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka, qoraal uu luqadda Carabiga ku qoray  ayuu ku sheegay in caqabadahii la xariiray booqashadiisa Imaaraadka xal laga gaaray, wuxuuna yiri, “arrimahan sida muuqata waxay ka yimaadeen baajinta booqashadii Dhaxalsugaha Jordan ee Masjidka Barakeysan taasi oo ka dhalatay muran ka dhashay tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.”

Sarkaal sare oo Israa’iili  ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in booqashadii Netanyahu ay u baaqatay sababo la xiriira diidmo ka timid Urdun taasi oo sida muuqato jawaab u ah is hortaagii ay maamulka Israa’iil ku sameeyeen booqashada dhaxalsugaha Jordan Xuseen bin Cabdullaahi ee Masjidka Al-Aqsa.