Howlwadeennada Caafimaadka Isbitaalka Banaadir Oo Qaatay Talaalka Ka hortagga COVID-19

Howlwadeennada Caafimaadka iyo Qaar ka mida mas’uuliyiinta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa qaatay Talaalka ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta, maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa ka mid noqday dadkii ugu horeeyay ee qaatay tallaalka ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo maanta dalka laga daahfuray, isla markaana ay hormuud u noqdeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Wasiirka Caafimaadka iyo quburada caafimaad ee safka hore kaga jira la dagaallanka cudurka COVID-19.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talaalka si ay halista cudurka uga badbaadiyaan naftooda iyo midda dadka ay la noolyihiin.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Marwo Fartuun Shariif Maxamed ayaa sheegtay in shaqaale gaar ah ay u diyaariyeen bixinta talaalka, waxayna Dadka kula talisay inay ka faa’iideystaan fursadan si looga hortago qatarta cudurka oo sababay dhimashada in ka badan Seddex boqol oo qof.

Agaasimaha Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullahi Ismaaciil oo ugu dambeyn ka hadlay muhiimadda talaalka looga hortagayo COVID-19 ayaa xusay in loo baahanyahay in si isku mid ah loo qaato talaalka oo uu sheegay inuu wax tar u leeyahay ka hortagga cudurka COVID-19.

Maanta oo ku began sanad ka hor markii dalka laga helay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka COVID-19 ayey Soomaaliya ka mid noqotay dalalka sida rasmiga ah u isticmaalay talaalka mashruuca COVAX oo ay qubarada caafimaadka ee WHO sheegeyn inuu waxtar weyn u leeyahay ka hortagga cudurkan oo saameyn weyn ku yeeshay dunida.