11 qof oo lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay Mexico

Kooxa hubeysan ayaa ku dilay gobolka Jalisco ee Mexico 11 qof,  iyagoo sidoo kalena dhaawacay 2 qof .

Bayaan kasoo baxay xeer ilaalinta guud ee gobolka Jalisco ayaa laguy sheegay in meydadka toban nin oo rasaas lagu dhuftay laga soo qaaday laamiga dhinaciisa.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in sidoo kale gargaar caafimaad loo fidinaayao haweeney iyo cunug yar oo dhaawac soo gaaray.

Xeer Ilaalinta guud waxay sheegtay inay bilowday baaritaan, si loo ogaado sababaha keentay falkaan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in kooxda hubeysan ay wateen seddex gaari, iyagoo goobta ka baxsaday markii ay rasaasaayeen dadka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan doorashooyinka looga hadlayay la yeeshay Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, kaas oo looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.
Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee qabsoomay 25-kii Febraayo.
Qoraalkan waxaa lagu daabacay barta Facebook ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Qarax Miino oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ku geeriyootay qarax Miino oo goordhow ka dhacay agagaarka Dugsiga hoyga Xamar.

Qaraxan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga dalka oo Waddada marayay.

Weerarkan Argagixisanimo ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah iyo bur-bur hantiyadeed.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 304 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 3 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (147) Hirshabeelle (77) Somaliland (53), Jubbaland (15) Galmudug (2) iyo Koonfur Galbeed (5) qof, 185 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 119-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,991 waxaa bogsootay 3,787 Ruux. guud ahaan 231 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Jab xooggan lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay gobolka Baay

Maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaab ayaa waxeey isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay waxaana halkaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka sida u sheegay in 9-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfurgalbeed ay sii baacsadeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qansax Dheere ahna Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda degmadaasi Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa dhinaca kale sheegay in ay degmada iyo nawaaxigeeda ay ka sameeyeen howlgal lagu baacsanayay kooxda argagixisada Al-shabaab kaasi oo maleeshiyada looga dilay sadax maleeshiyaad ah islamarkaasna looga soo qabtay mootooyin ay u isticmaali jireen dhibaatooyinka ay ugeyystaan Shacabka degmadaasi.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa ugu dambeeyn ugu baaqay maamulka koonfur galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysteen taageerida ciidanka degmada ka howlgala iyo sidii looga adkaan la haa maleeshiyaadka Al-shabaab oo go’doon geliyay degmadaasi Qansax Dheere ee gobolka Baay.

Han Wayn Iyo Hibo Yar!!!

”Male” iyo ”dhab” waa labo erey oo afkeenna duugga ah ka mid ah, lagana yaabo in macnahoodu uu luqad kasta ku jiro, laakiin labadaas kalmadood midkee buu macnihiisu horumarka nolosha u fiican yahay?

Laakiin waxaa su’aashaas ka horraysa ”Horta ma fiican tahay in la horumaro mase waa xun tahay?”. Sida ay dadkeennu u dhaqmaan  kana muuqato markii la daliishado waxaa caddaanaysa in uu horumarku xun yahay, islamarkaas uu qofkii wax lagu horumarayo la yimaadaa ummadda cadowgooda uu yahay, maxaa yeelay horumarku sida badan waa in sidii la ahaa laga doorsoomo oo si kale looga gudbo, taasina waxay dagaal ku tahay waxyaalihii la haystay iyo sidii loo noolaa, laakiin haddii ereyga ”horumar” la maqlo dadkeennu ma dhibsadaan, ee machihiisa ayey beensadaan!

Haddaba erey maqalkiisa la jecel yahay in macnahiisa runta ah la neceb yahay waxaa keenay in aynu nahay ummad aan fakarin, ee iska nool oo hadba wixii la doono lagu shubto. In uusan hadalkaasi gaf ahayn waxaa soo dhawaynaysa in afka soomaaliga ee gaboobay uu ka maqan yahay ereyga ”fakar”.

Ereygaasi afkeenna wuxuu ka soo galay Luqadda carabiga oo malaha ah afkii ugu horreeyey ee qalaad oo af soomaaliga saameeyey.

Fiiri– Xagga dhismaha kama uusan saamayn ee dhinaca ereyada ayuu ka saameeyey.

Ereyada afkaas qalaad ka soo jeedo labo nooc bay kala yihiin, waana ereyo aynu macnohooda horay u hayney iyo kuwo aanan aqoon ee sidoodaba afkaas qalaad naga soo gaarey.

”Arlo”, ”samo”, ”sino”, ”xaqiiq” iyo ”danni” horay baynu u lahayn ereyo la macne ah oo waxaa laga yaabaa in ay ahaayeen ”dhul”, ”cir”, ”dhillaysi”, ”dhab” iyo ”male”, hase ahaatee ”kitaab”, ”kursi”, ”qalin”, ”fakar” iyo ”jihaad” waxaannu u malaynayaa in aanan horay u aqoon, oo uu macnohoodu inaga maqnaa.

Labadaas nooc oo ah ereyada aynu lahayn haddana aynu ku darsannay kuwii la macnaha ahaa ee carabiga ahaa iyo kuwa magacyada alaabada u badan oo aanan horay u aqoon waxaa weheliya ereyo aynu iska xoornay markii ay inagala qurxoonaadeen kuwo carabi ah.

Ereyada lumay waxaa malaha ka mid ah kuwii u dhigmey ”shahwad” ama ”mino”, waxaana fiican in wadaaddada naga waaweyn la weydiiyo waxa ay ahaayeen ereyadaas lumay. Waxaa laga yaabaa in ay ku jawaabaan in ay ahaayeen ”biyo” iyo ”xawo”, laakiinse ereyga ”xawo” waxaannu u malaynay in uu laboodka u gaar yahay oo sidaas darteed wadaaddada waaweyni waa in ay keenaan ereygii minada dumarka loo yaqiin oo lumay, haddii kale waxaa la noqonayaa dad aan fakarayn.

In uu afkeenna ku jiro ereyga ”xasuus” oo uusan ku jirin ereyga ”fakar” waxaa laga yaabaa in ay keentay in uusan fakarba dhulkeenna ka jirin ee ay xusuus keli ah ka jirtey.

Ummad kasta waxyaalaha dhulkooda ka jira ayaa afkooda laga helaa, ee wax aysan aqoon luqaddooda kuma jiraan, tusaale ahaan ereyga ”bah” macnehiisa waxaa laga yaabaa in aan luqadaha ummadaha kuwa ugu hodansan laga helin, waayo in baho badan la yeeshaa waa arrin ay dadyow gaar ah sameeyaan.

Qofka soomaaliga ah sida uu ereyada ”suusac” iyo ”oodkac” u fahmayo waxaa dhici karta in aan dad badani ula aqoon, waxaana laga yaabaa in aynu nahay dadka adduunka ugu Oodkac jecel, laakiin haddii dukaamaada Ameerika ku yaalo ee cuntada la galo alaabta taal badankeeda wuxuu qofka soomaaliga ah magacyadooda ka garanayaa hilib iyo caano. Laga yaabee in ay jiraan qaar moos ama Babaay yaqaana, laakiin waa dad laga badan yahay.

Waxaa isweydiin leh markii uu ereyga ”fakar” afka carabiga naga soo galay wax miyuu nagu soo biiriyey? Waxaa la hubaa in uusan ereygaasi soomaalida ula falgelin sida ay ula falgaleen ereyo kale oo carabi ah. Waxaa kalmadaha carabiga ah ee aynu sida tooska ah u qaadanay una fahamnay ka mid ah ereyga ”istinjo”, laakiin ”fakar” dhegta ayeynu ka maqalnay ee tan iyo haddeer ma naqaan macaha uu ku fadhiyo.

Labo oraahood oo ummadaha badankooda siiba reer galbeedka macneyaal waaweyn la leh midna dhanka soomaalida kama jiro, waana ”Waxay ila tahay” iyo ”Waan fakarayaa”. Waxaa laga yaabaa in ay nagala weyn yihiin ”Annaga reer hebel ah waxay nala tahay”

Qofkii sidaas u hadlaa ma fakarayo ee wax buu xasuustaa, mana uu oggolaan karo horumar, waxaase in xoogaa laga doodo ku habboon labo erey oo aynu horay ku soo aragnay, oo kala ahaa ”dhab” iyo ”male”.

Qofba qofka uu ka doqonsan yahay ama uu ka aqoon hooseeyo wuu uga dhow yahay dadka in uu wax dhab ama hubaal u qaato, oo dadka ay garaadkooda iyo aqoontoodu liitaan waxba ma maleeyaan ee wax ay rumaystaan ama dhabaystaan bay naftooda taagta daran ku hanuuniyaan.

Dadka maangaabyada ah wax kasta oo la soo gudboonaada waxay ka qaataan aragti ay hubaal ugu qancaan ama ay diiddo ku nacaladaan, isla markaas wax loo sheego ayey iska sugaan, oo waxay ku kooban yihiin wax ay beensadaan iyo wax ay rumaystaan ee waxba ma ay maleeyaan.

Malaha iyo shakiga waxaa laga yaabaa in aysan noolayaasha aan dadka ahayn lahayn, ee ay wax kasta oo ay la kulmaan aragti ay ku qancaan ka qaataan, oo aysan tuhum badnayn. Sidaas darteed ayey dadnimadu ku jirtaa in wax kasta loo maleeyo siyaalo kala duwan, oo la fisho in ay dhici karaan malaayiin siyaalood oo suurtagal ah, ee aan ”Waa xaqiiq!” lala soo boodin.

Haddii xayn Ari ah qabaal ama dar ay biyo ka buuxaan lagu sii daayo waxay hubaan in ay cabbi doonaan, hase yeeshee dadku haan biyood waxay u malaynayaan in ay ka cabbi doonaan, oo ma hubaan, waayo waxaa laga yaabaa in loo diido oo uu dagaal dhaco inta uusan waxba cabbin. Waxaa kale oo suurtagal ah in uu haanta gadaankeeda Mas halis ah saaran yahay oo uu qofka harraadan inta la qaniino ay naftu dhaqso uga booddo, markaasna uusan biyahaas calfan.

Maqaalkaan wuxuu naga horumarinayaa liidnimo ka muuqatay xagga qoraallada lagu abuuro afka soomaalida, waayo waxaa muuqata in ay soomaali badan markii ay ogaadeen in wax la qoro ay hubaan in ay ayaguna qoraallo abuuri karaan, oo aysan malaynayn in aysan hibo iyo hargaantinimo u lahayn in hadalka diyaarintiisu ay tahay wax ay dad dhifdhif ah awoodaan, halka ay dad aad u badan awoodaan in ay har iyo habeen raashin cunaan iyo in ay kacsadaan oo kaliya!

Qofkii xishoonaya oo bogagga soomaalida ee internetka akhriyaa wuxuu dareemayaa in aan nahay ummad aan maskaxda ka irmaanayn.

Haddana waxay soomaalida ku maahmaahdaa ”Dameeraha midda ugu foolxun baa ugu haraati kulul, waxaana la mooda in ay dadka kuwa ugu qaabayn iyo feker liitaa ugu qoraallo badan yihiin bogagga internetka.

Dadweyne badan baa kartidoodii qoraalka ku soo bandhiga halkaas , waxaana ka muuqda in aynu qaabka hadalka loo abuuro cuuryaamiin ka nahay, oo haddana suuqa la taagan murti baan haynaa.

Ereyga ”dadweyne” waa kalmad loola jeedo dadka ay shaqadooda adduunku tahay in ay subaxii shaqo ama baryo u kallahaan, isla markaas ay isguurguursadaan si ay dadweyne kale u dhalaan. Dadweynahaasi.

Sida badan dad ay dhaleen iyo hanti wax aan ahayn kama tagaan markii ay geeriyoodaan. Gobollada soomaalida qaarkood markii qof maangaabnimo lagu xamanayo waxaa la dhahaa ”Boowe kaasi waa dadweyne”, oo uu macneheedu yahay in uu reerkiisa dhaqan karo, laakiin aan aragti dheeraad ah laga dhaxli karin.

Sideedana bulshada waxaa waxtar u leh qofkii waxtar ah. Baahida akhriska qofkii dareemaya oo bogagga internetka iyo maktabadaha ka doondoona qoraal soomaali ah oo u dhigma qoraallada wargeysyada iyo buugta ummadaha kale wax u dhigma ama u dhow wuxuu dareemaya in ay ummaduhu kala hareen ”maalinta baahida”.

Walaacaas waxaa igu abuuray in aysan soomaalidu aqoon fiican u lahayn hal-abuur qoraal ah, isla markaas aysan ka sii fakarin noocyada waxyaalaha la abuuraa ay kala yihiin.

Taliska booliska oo shaaciyay in talaabo sharci laga qaadi doono cidkasta oo ku lug lahayd falkii lagu bur buriyay Hooyga Xamar

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in falkii xalay lagu bur buriyay Iskuulka Hooyga Xamar uusan Taliska waxba kala socon, isagoo balan qaaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadkii ku lugta lahaa falkii lagu bur buriyay Hooyga Xamar.

Jeneraal Xijaar ayaa yiri  “Waxaan hortiina ka balan qaadayaa in talaabo sharci ah laga qaadi doono saraakiishii iyo cid walba oo dowladda ka socotay oo ku lug lahayd falkii lagu bur-buriyey iskuulka Hoyga Xamar, waxaana idinka raali gelinayaa falkaas.”

Taliyaha ciidanka booliska ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka lagu bur buriyay Iskuulka Hooyga Xamar, isla markaana ay dowladda sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabi doonto, isagoo xusay in dowladda ay dhiiri gelineyso horumarnta Waxbarashada.

Mareykanka oo sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga uu ka dambeeyay dilka wariye Jamaal Khaashuqji

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Jamaal Khaashuqji ay dileen koox Sacuudi ah oo ku howlgalay amar uu bixiyay Dhaxal-suge Maxamed Bin Salaan, sida lagu sheegay warbixinta sirdoonka oo jimcihii la sii daayay.

Warbixinta ayay sirdoonka Mareykanku ogaadeen lagu ogaadeen in dilkii 2018 dhacay ee wariye Jamaal uu mas’uul ka ahaa Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salaan.

Maamulka madaxweynihii hore Mareykanka ee Donald Trump ayaa oo ay xulafo dhow ahaayeen Dhaxal-sugaha ayaa dib u dhigayay sii deynta warbixintan muddada dheer la sugayay taas oo ay sharciyeeyeen aqalka wakiilada Mareykanka.

Khaashuqji ayaa ahaa faale qore ka tirsan wargeyska caanka ah ee The Washingtin Post, isagoo si weyn u dhaliili jirey siyaasadda Sacuudiga gaar ahaan tan Dhaxal-sugaha, bishii October 2018 ayaa lagu dhax dilay Qunsuliyadda Sacuudiga magaalada Istanbul ee Turkiga.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa dafirey in Maxamed Bin Salaan uu ku lug lahaa khaarijinta wariye Jamaal.

Saraakiil ka tirsan aqalka cad ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Biden ay talaabo ka qaadi doonaan cidda ka dambeysay dilka wariye Khaashuqji ka dib markii warbixinta daah laga rogay.

Maxamed Bin Salaan oo loo yaqaano MBS wuxuu taageeraa in talaabo laga qaado lana aamusiyo dadka dhaliila xukunkiisa oo Khaashuqji uu ku jiro, sidaa waxaa sheegay sirdoonka Mareykanka.

Warbixintan oo ka kooban affar bog ayaa lagu carabaabay 21 shakhsi oo qeyb ka ahaa dilka wariye Jamaal Shaakhuqji.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga  ayaa lagu diiday eedeymaha ayagoo xusay in warbixinta ay tahay mid la dhoo dhoobay oo aan la aqbali Karin.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in maamulka Biden uu isku dayayo in si daah furnaan ah loo soo bandhigo arrintan isla markaana lala wadaago dadka Ameerikaanka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu baaqday Puntland iyo Jubaland in ay kusoo biiraan shirka wadatashiga

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo qabatay kulan Wacyi gelinta Covid-19

Kulunka Waciyigalinta Cudurka dilaaga ah ee Corona Virus ayaa maanta ka dhacey Magaalada Baydhabo waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baydhabo.

Waxaana Kulunka Waciigalin laxariirta Covid-19 lagu siinaayey Gudoomiyaasha 10ka Xaafadood ee Magaalada Baydhabo si iyaguna ay ugaarsiiyaan Bulshada Ku nool xaafadaha ay maamulaan.

kulunka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka , Gudoomiyaha Gobolka , Saraakiil caafimaad , Gudoomiyaasha Xaafadaha iyo ururada Dhalinyarada ayaa ugu horeen Waxaa ka hadley Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Degmada Baydhabo Isxaaq Maxamed Ali (TEEGAAB) iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali Wardheere Dooyow.

Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Usmaan Jiidow ayaa ka qeyb_galiyaasha Kulinka Waciigalinta ah kula dar-daarmey in ay ku dadaalaan sidii Bulshada Ay ugu waciyigalin lahaayeen Yareenta iyo Ka hortaga Cudurka Covid-19.

Bishan fabuary aynu kujirno 84 baritaan oo la xariira Cudurka Coroona virus wasaaradu ay ka sameysey Magaalada Baydhabo waxaa laga heley 11 ruux.