11 qof oo lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay Mexico

Kooxa hubeysan ayaa ku dilay gobolka Jalisco ee Mexico 11 qof,  iyagoo sidoo kalena dhaawacay 2 qof .

Bayaan kasoo baxay xeer ilaalinta guud ee gobolka Jalisco ayaa laguy sheegay in meydadka toban nin oo rasaas lagu dhuftay laga soo qaaday laamiga dhinaciisa.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in sidoo kale gargaar caafimaad loo fidinaayao haweeney iyo cunug yar oo dhaawac soo gaaray.

Xeer Ilaalinta guud waxay sheegtay inay bilowday baaritaan, si loo ogaado sababaha keentay falkaan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in kooxda hubeysan ay wateen seddex gaari, iyagoo goobta ka baxsaday markii ay rasaasaayeen dadka.