Maleeshiyada Al-Shabaab oo Jab xooggan lagu gaarsiiyay weerar ka dhacay gobolka Baay

Maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaab ayaa waxeey isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay waxaana halkaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka sida u sheegay in 9-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfurgalbeed ay sii baacsadeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qansax Dheere ahna Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda degmadaasi Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa dhinaca kale sheegay in ay degmada iyo nawaaxigeeda ay ka sameeyeen howlgal lagu baacsanayay kooxda argagixisada Al-shabaab kaasi oo maleeshiyada looga dilay sadax maleeshiyaad ah islamarkaasna looga soo qabtay mootooyin ay u isticmaali jireen dhibaatooyinka ay ugeyystaan Shacabka degmadaasi.

Guddoomiye Maxamed Mukhtaar ayaa ugu dambeeyn ugu baaqay maamulka koonfur galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysteen taageerida ciidanka degmada ka howlgala iyo sidii looga adkaan la haa maleeshiyaadka Al-shabaab oo go’doon geliyay degmadaasi Qansax Dheere ee gobolka Baay.